Sultan Ibn Sultan Profile picture
Passionate about politics, history & good governance, anti-war activism, traditionalist values & constant learning through reading.

Sep 15, 2020, 6 tweets

Xadgudubka iyo gaboodfalka Dumarka iyo Carruurta loo geysto waa in dowladdu xil iska saarto kana dhigto arrin muhiimad gaar ah leh.
Waa in loo sameeyo xeer-ilaalin u gaar ah dambiyada la xiriira arrimahaan lana meel mariyo xeer ciqaabeedyo culus oo u gaar ah fal dambiyadaan.

Tan iyo markii uu bilowday ka hadalka mashruuca Xalane laga soo abaabulay ee SOB-2018 waxaa sare u kacay falalka fooshaxun ee ka dhaca dalka kuwaas oo aan horay u jirin ama ahaa falal dhifdhif ah.

Arrintaan waxay abuuraysaa shaki ah in fal dambiyeedyadaan gacan 3-aad ku jirto.

Marka aad aragto sida la isugu xiray wax ka qabashada fal dambiyeedyada la xiriira kufsiga iyo xadgudbayada kale ee loo geysto dumarka iyo carruurta iyo meel marinta Xeerka SOB-2018 oo laga soo min guuriyey dhaqamo shisheeya oo meel ka dhac ku ah qayimka dadkeenna iyo dalkeenna.

Xeerkaan oo dhiirrigelinaya faaxishada iyo qowmuluudnimada kana hor imaanaya shareecada ayaa u eg mid la rabo in loo hoosgeliyo ummada ayadoo laga faa'iidaysanayo dareenkooda ku aaddan ka felcelinta tacaddiyada iyo xadgudbayada loo geysto dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin in aanay isku qaldin waxyaabo badan oo si ula kac ah la doonayo in la isugu milo dana gaar ahna laga leeyahay.
Ka damqashada, badbaadada & difaaca dumarkeenna sharafta leh & carruurteenna waa waajib si guud noo saaran si gaar ahna dowladda.

Sidaa darteed dowladda waxaa looga fadhiyaa meel marinta sharciyo waafaqsan dhaqankeenna iyo diinteenna suubban illaalinayana xuquuqda dumarkeenna iyo carruurteenna.
Ciqaab culusna marinaya dambiilayaasha ku kac fal dambiyeedyo iyo xadgudbayada waxyeeleynaya dumarka & carruurta.

Share this Scrolly Tale with your friends.

A Scrolly Tale is a new way to read Twitter threads with a more visually immersive experience.
Discover more beautiful Scrolly Tales like this.

Keep scrolling