My Authors
Read all threads
Waxa ugu weyn ee la fili karo in ay macno u samayn karaan dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ee la rabo in ay ka soo baxaan shirka Amniga Qaranka ee loogu madlanyahay Dhuusamareeb waa dhammaystirka hannaanka iyo haykalka dowladnimada ee uu saldhig u yahay Dastuur dhammaystiran.
Dastuurku waa halka ay dowladnimadu ka dhutinayso kana kala qaarnayd tan iyo dib u yagleeliddii dowladnimada nidaamka federaalka ku salaysan.
Waxyaabaha looga fadhiyo madashaan inay ka soo baxaan ee waxtarka u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
1- Dhammaystirka Qorshaha Amniga Qaranka oo saldhig u ah amniga iyo xasilloonida dalka sida dhismaha Ciidanka Qaranka qaybahooda kala duwan, Golaha Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Amniga Qaranka oo laf dhabar u ah amniga dalka.
2- Dhamaystirka hannaanka Guud ee Maaliyadda dalka
-Sida midaynta canshuuraha iyo dejinta siyaasadda maaliyadda dalka.
3- Dhammaystirka hannaanka Garsoorka Dalka:
Garsoor hufan oo madax bannaan waxaa asaas u ah in la helo nidaam iyo dastuur hagaya haykalka, qaabka uu u ekaanayo iyo awoodihiisa kala heer duwan ee uu yeelanayo.
4- Dhammaystirka hannaanka federaalka dalka:
Kala saarista & kala xadaynta awoodaha heerarka kala duwan ee dowladda sida Federaalka, Maamul Goboleedka & Dowladaha Hoose.
Sidoo kale dhamaystirka qaab dhismeedka Dowladda Federaalka ah iyo nidaamka dowladeed ee ay noqonayso.
5- Dhammaystirka hannaanka wadaagga kheyraadka iyo wax wada lahaanshaha.
Si looga baxo dawarsiga shisheeyaha iyo ku tiirsanaanta ajaanibta ugana faa'iideysanno kheyraadkeenna waa in la dhamaystiro hannaankaas si loo helo nidaam hufan oo daahfuran laguna wada kalsoonyahay.
6- Doorasho ku dhacda jawi midnimo, dadka soomaaliyeedna ku qanacsanyihiin.
Gunaanadkii shirkaan waxaa looga fadhiyaa in lagu dhammaystiro dhismaha dowladnimada laguna soo afjaro mashruuca daba dheeraaday ee dastuurka laguna heshiiyo sidii dalka looga saari lahaa ilo meeraysada.
Missing some Tweet in this thread? You can try to force a refresh.

Keep Current with 𝐉𝐚𝐛𝐢𝐫 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐞𝐝

Profile picture

Stay in touch and get notified when new unrolls are available from this author!

Read all threads

This Thread may be Removed Anytime!

Twitter may remove this content at anytime, convert it as a PDF, save and print for later use!

Try unrolling a thread yourself!

how to unroll video

1) Follow Thread Reader App on Twitter so you can easily mention us!

2) Go to a Twitter thread (series of Tweets by the same owner) and mention us with a keyword "unroll" @threadreaderapp unroll

You can practice here first or read more on our help page!

Follow Us on Twitter!

Did Thread Reader help you today?

Support us! We are indie developers!


This site is made by just two indie developers on a laptop doing marketing, support and development! Read more about the story.

Become a Premium Member ($3.00/month or $30.00/year) and get exclusive features!

Become Premium

Too expensive? Make a small donation by buying us coffee ($5) or help with server cost ($10)

Donate via Paypal Become our Patreon

Thank you for your support!