𝐉𝐚𝐛𝐢𝐫 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐞𝐝 Profile picture
Waxaan ahay ma eexdaha runta marada ku astura, oon magac qabiil sidan weheshada midnimadana. Muqdisho, Soomaaliya.
Sep 15, 2020 6 tweets 2 min read
Xadgudubka iyo gaboodfalka Dumarka iyo Carruurta loo geysto waa in dowladdu xil iska saarto kana dhigto arrin muhiimad gaar ah leh.
Waa in loo sameeyo xeer-ilaalin u gaar ah dambiyada la xiriira arrimahaan lana meel mariyo xeer ciqaabeedyo culus oo u gaar ah fal dambiyadaan. Tan iyo markii uu bilowday ka hadalka mashruuca Xalane laga soo abaabulay ee SOB-2018 waxaa sare u kacay falalka fooshaxun ee ka dhaca dalka kuwaas oo aan horay u jirin ama ahaa falal dhifdhif ah.

Arrintaan waxay abuuraysaa shaki ah in fal dambiyeedyadaan gacan 3-aad ku jirto.
Jul 13, 2020 7 tweets 1 min read
Waxa ugu weyn ee la fili karo in ay macno u samayn karaan dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ee la rabo in ay ka soo baxaan shirka Amniga Qaranka ee loogu madlanyahay Dhuusamareeb waa dhammaystirka hannaanka iyo haykalka dowladnimada ee uu saldhig u yahay Dastuur dhammaystiran. Dastuurku waa halka ay dowladnimadu ka dhutinayso kana kala qaarnayd tan iyo dib u yagleeliddii dowladnimada nidaamka federaalka ku salaysan.
Waxyaabaha looga fadhiyo madashaan inay ka soo baxaan ee waxtarka u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.