Xadgudubka iyo gaboodfalka Dumarka iyo Carruurta loo geysto waa in dowladdu xil iska saarto kana dhigto arrin muhiimad gaar ah leh.
Waa in loo sameeyo xeer-ilaalin u gaar ah dambiyada la xiriira arrimahaan lana meel mariyo xeer ciqaabeedyo culus oo u gaar ah fal dambiyadaan.
Tan iyo markii uu bilowday ka hadalka mashruuca Xalane laga soo abaabulay ee SOB-2018 waxaa sare u kacay falalka fooshaxun ee ka dhaca dalka kuwaas oo aan horay u jirin ama ahaa falal dhifdhif ah.

Arrintaan waxay abuuraysaa shaki ah in fal dambiyeedyadaan gacan 3-aad ku jirto.
Marka aad aragto sida la isugu xiray wax ka qabashada fal dambiyeedyada la xiriira kufsiga iyo xadgudbayada kale ee loo geysto dumarka iyo carruurta iyo meel marinta Xeerka SOB-2018 oo laga soo min guuriyey dhaqamo shisheeya oo meel ka dhac ku ah qayimka dadkeenna iyo dalkeenna.
Xeerkaan oo dhiirrigelinaya faaxishada iyo qowmuluudnimada kana hor imaanaya shareecada ayaa u eg mid la rabo in loo hoosgeliyo ummada ayadoo laga faa'iidaysanayo dareenkooda ku aaddan ka felcelinta tacaddiyada iyo xadgudbayada loo geysto dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin in aanay isku qaldin waxyaabo badan oo si ula kac ah la doonayo in la isugu milo dana gaar ahna laga leeyahay.
Ka damqashada, badbaadada & difaaca dumarkeenna sharafta leh & carruurteenna waa waajib si guud noo saaran si gaar ahna dowladda.
Sidaa darteed dowladda waxaa looga fadhiyaa meel marinta sharciyo waafaqsan dhaqankeenna iyo diinteenna suubban illaalinayana xuquuqda dumarkeenna iyo carruurteenna.
Ciqaab culusna marinaya dambiilayaasha ku kac fal dambiyeedyo iyo xadgudbayada waxyeeleynaya dumarka & carruurta.

• • •

Missing some Tweet in this thread? You can try to force a refresh
 

Keep Current with 𝐉𝐚𝐛𝐢𝐫 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐞𝐝

𝐉𝐚𝐛𝐢𝐫 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐞𝐝 Profile picture

Stay in touch and get notified when new unrolls are available from this author!

Read all threads

This Thread may be Removed Anytime!

PDF

Twitter may remove this content at anytime! Save it as PDF for later use!

Try unrolling a thread yourself!

how to unroll video
  1. Follow @ThreadReaderApp to mention us!

  2. From a Twitter thread mention us with a keyword "unroll"
@threadreaderapp unroll

Practice here first or read more on our help page!

More from @jaabirsuldaan

Jul 13, 2020
Waxa ugu weyn ee la fili karo in ay macno u samayn karaan dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ee la rabo in ay ka soo baxaan shirka Amniga Qaranka ee loogu madlanyahay Dhuusamareeb waa dhammaystirka hannaanka iyo haykalka dowladnimada ee uu saldhig u yahay Dastuur dhammaystiran.
Dastuurku waa halka ay dowladnimadu ka dhutinayso kana kala qaarnayd tan iyo dib u yagleeliddii dowladnimada nidaamka federaalka ku salaysan.
Waxyaabaha looga fadhiyo madashaan inay ka soo baxaan ee waxtarka u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
1- Dhammaystirka Qorshaha Amniga Qaranka oo saldhig u ah amniga iyo xasilloonida dalka sida dhismaha Ciidanka Qaranka qaybahooda kala duwan, Golaha Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Amniga Qaranka oo laf dhabar u ah amniga dalka.
2- Dhamaystirka hannaanka Guud ee Maaliyadda dalka
Read 7 tweets

Did Thread Reader help you today?

Support us! We are indie developers!


This site is made by just two indie developers on a laptop doing marketing, support and development! Read more about the story.

Become a Premium Member ($3/month or $30/year) and get exclusive features!

Become Premium

Don't want to be a Premium member but still want to support us?

Make a small donation by buying us coffee ($5) or help with server cost ($10)

Donate via Paypal

Or Donate anonymously using crypto!

Ethereum

0xfe58350B80634f60Fa6Dc149a72b4DFbc17D341E copy

Bitcoin

3ATGMxNzCUFzxpMCHL5sWSt4DVtS8UqXpi copy

Thank you for your support!

Follow Us!

:(