Shacabka Somaliland iyaguna diide in ninkaa corrupted-ka ah ee lagu sheegay wasiirka hawlaha guud ee calaamadaha nifaaqa lehi uu hormuud ka noqdo dhismaha cusub, maadaama uu yahay nin hore loogu soo tijaabiyay wasaarad kale oo ku soo fashilmay,
lacago malaayiin dollar ahna loo tirinayo inuu la kala goostay caaqilkiisa Muuse, isla markaana uuna oofin ballano badan oo uu qaaday intuu ahaa Wasiirkii gaadiidka iyo Waddooyinka, sida 5 Millyan oo lagu bilaabi lahaa Waddada Oodweyne ilaa , Hargeysa iyo Oodweynena uu yidhi
waxaan dhamaynayaa sannadka 2022 bisha February. Wadadii Ceerigaabo iyana uu sannadkii hore sheegay in 35 km u hadhsan tahay oo ay dhamaanaysay 2021, tii Boorama iyo Lawyacado iyana biishkaa cunay.
Markuu intaa is dhaafiyay ee ay soo dhawaatay xilligii uu ummadda u balan qaaday
isagoo faanaya ayuu caaqilkiisu ka bedalay wasaaradii jidadka oo uu geeyay Wasaaradda hawlaha guud si aan waxba looga weydiin tii hore, isla markaana uu ugu boobo wixii ka soo hadhay dhismayaashii danta guud iyo dhulka banaan intii hadhsanayd.
Iminkana wuxuu rabaa inuu ka hawlgeliyo oo ku boobo qaadhaanka caalamku ugu talogalay dib u dhiska Suuqa Waaheen oo laga faramaroojiyo Mayerka iyo golahiisa degaanka.