Shacabka SL guud ahaan waa dad soo jeeda, wax xan ahina kama qarsoona. Ka faa'idaysiga dhibaatadoodu waa mid ay ogyihiin, kuna baraarugsan yihiin. Damac kasta oo hantiyeed oo qoyska Madaxwaynaha ama cid kale ka gala suuqa gubtay ma aha mid ka qarsoomaya.
Qandaraaska dhismaha suuqa ayaa la doonayaa in cid gaar ah lagu naasnuujiyo, hadhoowna sida biyagelinta Hargaysa weligii la sugo ama wax aan naf lahayn loo macmalo, malaayiina lagu lunsado.
Tan ayaa durba walaac ku abuurtay ganacsatada xoogsatada ah ee suuqa Waaheen.
3/6
Damac ayaa jira galay ganacsato aan suuqa hore waxba ugu lahayn, loona nisbaynayo madaxwaynaha. Waxay dadku heleen xog sheegaysa in dhulka suuqa dib u habayn lagu samayn doonno, kadibna wax laga siin doonno ganacsato aan hadda wax ku waayin se xulufo la ah xukunka Biixi.
4/6
Waxa jirta aaminaad la'aan guud oo aan iska iman, se looga bartay madaxwaynaha iyo gudiyada uu magacaabo. Dadku waxa ay ogyihiin lacagihii abaaraha iyo Covid19 oo aan wax la sheego laga hayn meel ay wax ka qabteena aan la arag. 5/6